Home arrow Siyaasadda | Aduunka arrow Amnesty International oo si kulul uga Hadashey Dagaaladii ka Dhacay Muqdisho
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:101
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:103
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:36
Date:13-11-2008
Riwaayo Somali ah
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:48
Date:13-11-2008
Hidaha iyo Dhaqanka Jabuuti
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:41
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Apr 24 2008
Amnesty International oo si kulul uga Hadashey Dagaaladii ka Dhacay Muqdisho
Written by Ali Moallim   
Thursday, 24 April 2008

Muqdisho, (insidesomalia.org)-Hay’ada caalamiga ah ee u dooda xuquuqda adamaha ee Amnesty International ayaa warsaxadeed ay soo saartey waxay si kulul uga hadashey Dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada ah kuwaasi oo ay ku le’deen dad fara badan oo rayid ah.

Bayaan Saxaafadeed uu soo saaray sarkaalka u qaabilsan Hay’ada Amnesty International Mr Howard Hudsonto ayuu ku sheegay in Hay’ada Amnesty ay ugu baaqayso Ciidamada Itoobiya in ay siidaayaan 41 caruur Ardey ah oo lagu qabtey dagaaladii ka dhacay Masjidka Al-Hidaya ee Magaalada Muqdisho 19-kii Bishan aynu kujino ee April, iyadoo dagaaladaasi ay ku dhinteen in ka badan 100 qofood.

Warsaxaafadeedka Hay’ada Amnesty International oo nuqul ka mid ah aanu helney ayaa waxaa lagu sheegay in badbaadada iyo gargaarka caruurtaas oo qaarkood ay ka yar yihiin sagaal sano ay ku tahay waajib in ay ilaaliyaan dhamaan dhinacyada dagaalamaya.

Warka Hay’ada Amnesty ayaa waxaa lagu sheegay in ay heshay Hay’adu war sheegaya in caruuraasi tiro yar oo ka mid ah laga siidaayey saldhig ay Ciidamada Itoobiyaanku ku leeyihiin waqooyiga Magaalada Muqdisho, ka dib markii la sheegay in aanay aheyn argagixiso, halka la sheegay in kuwii kale ay hayaan Ciidamada Itoobiyaanka.

Dhinaca kale Hay’ada Amnesty International waxay ku sheegtey bayaankeeda in ay si ba’an u cambaareynayso dilka dadka shacabka ah, 21 qof oo la dilay ayaa waxaa lagu dhex diley Masjid, kuwaasi oo uu ka mid ahaa Imam Sheekh Siciid Yaxye, Sheekh C/laahi Max’ed iyo tiro kale oo ka mid aheyd wacdiyayaasha Jameecada Tabliiqa.

Sida lagu sheegay warka ka soo baxay Hay’ada Amnesty ayaa lagu sheegay in qof goob jooge ah uu u sheegay Hay’ada Amnesty in dadka lagu dhex diley masjidka ay ahaayeen dad aan hubaysneyn oo aan wax door ah ku leheyn xiisadaha colaadeed ee kajira Soomaaliya.

Laakin qoraalka ka soo baxay Hay’ada Amnesty International waxaa lagu xusey in afhayeen u hadley Dawladda Itoobiya uu si adag u beeniyey in ciidamada Itoobiya ay wax lug ah ku laheyn dilka dadkaasi.

Hay’ada caalamiga ah ee xuququda aadamaha ee Amnesty International waxay qoraalkeeda kaga codsatey Qaramada Midoobay in ay qaadaan talaabo sidii loo joojin lahaa gumaadka ka socda Soomaaliya, isla markaana la sameeyo gudi baaritaan oo caalami ah oo soo baara dhacdooyinka xadgudubka xuquuqda Aadamaha ee la galey intii ay socdeen colaadaha.

Dhanka kale Hay’ada Amnesty International waxay ka dalbatey Xukuumada Itoobiya iyo Dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya in ay xaqiijiyaan helitaanka gudi Madaxbanaan oo baara dilkaasi, isla markaana askari kasta oo ka mid ah Ciidamada Itoobiya oo lagu helo dilkaasi ay tahay in si cad bulshada caalamka hortooda loogu qaado ciqaabta uu mudan yahay.


Warsaxaafadeedka Hay’ada Amnesty International waxaa kale oo lagu soo qaaday dilkii Magaalada Baladweyne loogu geystey Macalimiin Dugsi waxbarasho oo qarkood ay ahaayeen ajanabi waxaana warka Amnesty lagu sheegay in dadka deegaanka ay tibaaxeen in dilkaasi ay geysteen kooxda Al-Shabaab, laakin warka waxaa lagu xusey in hogaamiye ka tirsan kooxda Al-Shabaab uu sheegay in dilkaasi uu ku yimid israsaaseeyn la iswaydaarsadey.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >